Barnaamijkaasi loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed ee ku nool EAST LONDON ayaa waxaa dhismahiisa waqti badan u huray tababarayaasha kala ah: MOHAMED BRASAB, ABDIFATAH AHMED, IYO SHIRE HASSAN oo dhammantoodba ka wada tirsanaa macalimiinta kooxda
NABADDA FC
Mar aan booqday halka uu tababarku ka socday ,caruurtuna ay tababarka ku samaynayeen ayaan kula kulmay qaar ka tirsanaa tababarayaasha sida ABDIFATAH AHMED oo ii sheegay baahida keentay in la abuuro naadigan NFCC oo isagu qaabka uu u shaqayn doono ay ka duwanaan doonto kuwii hore. ABDIFATAH waxaa uu ii sheegay in diiwaan galintan ay sii socon doonto lana ururin doono cayaartooy badan oo yaryar kuwaasi oo aanu doonayno inaan u gudbino aqoonta iyo tabaha casriga ah ee Kubadda cagta.
Haddaba haddii aad doonayso ama xiisaynayso in wiilkaagu uu ka qayb-galo barnaamijkaasi oo xag caafimaad aad ugu wanaagsan la soo xiriir dadka magacyadoodu ay hoos ku xusan yihiin si laguu siiyo macluumaad intaasi dhaafsiisan.
1)MOHAMED BRASAB (BOOB) 07985540363
2)ABDIFATAH AHMED (GUREY) 07983911618 AMA 02030027907
3)SHIRE HASSAN 02030027907 |